Tan iyo markii uu ku biiray Barcelona, Raphinha kuma riyaaqin qaab ciyaareed fiican, isagoo booskiisa uu u waayay Ousmane Dembele.
Xitaa markuu baxay OusmaneDembele wuu waayay kalsoonida tababaraha.
Raphinha ayaa jeclaan laha inuu sii joogo Kooxda reer Catalonia laakin xaalada dhaqaale ee kooxda ayaa keenaysa inay xiddigs fadaxdo.
Qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedka iyo bandhigiisii liitay ayaa keentay booskiisa xagaagan uu u waayo Lamine Yamal.
Waxaa jira dalabyo ka imaanaya Sacuudiga kooxdq Barcelona ayaana aqbali doonta dalab 60 milyan oo Yuuro ah oo ay ku fasaxayso Raphinha.
Doonista Barcelona ee Nico Williams ayaa ceel dheer kusii ridaysa rajadda Raphinha, iyadoo garabka bidixna uu noqon doono mid buuxa waxaa ku dagaalami doona Lamine Yamal iyo Ferran Torres.
Xiddiga reer Brazil ayaa ku qasbanaanaya inuu gaaro go’aan isaga u fiican si uu u helo fursado badan.