Taageerayaasha ayaa la yaabay markii uu da’yarka Arsenal ee Myles Lewis-Skelly qaatay kaarka cas oo toos ah kulankii Wolves.
Isagoo ka hadlayay falanqeynta Sky Sports Soccer, ciyaaryahankii hore ee Tottenham iyo macalinkoodii hore Tim Sherwood ayaa yiri:
“Weli waan ka niyad jabsanahay waxa dhacay, ma rumeysan karo in Michael Oliver uu ka saaray ciyaarta daafaca Arsenal!!
Tim Sherwood oo qoslaya ayaa yiri “100 jeer ayay ciyaaraha ka dhacaan qalad ah in la faul ciyaarayahan kubad la ordaya, bal firii muxuu sameyn karay oo halis ah.
Mid ka mid ah taageerayaasha daawanayay ciyaarta ayaa ku tilmaamay go’aanka mid ‘wax laga xumaado ah.
Taageere kale ayaa yiri” ‘Weligay ma arkin kaar cas oo lamid ah kan Lewis-Skelly hadda lasiiyay. Taasi waa wax laga xumaado.