Waxaan ugu biiray Man United Ruud van Nistelrooy dartii – isagaa ku qanciyay tababaraha in la isoo qaato.
Edwin van der Sar ayaa qirtay in u wareegistiisa Manchester United 2005 ay sabab u ahayd talada Ruud van Nistelrooy, kaasoo Sir Alex Ferguson ku qanciyay inuu saxiixdo xiddiga ay isku waddanka yihiin.
Halyeeyga Manchester United Edwin van der Sar ayaa qirtay in Ruud van Nistelrooy sababtiisa ahayd inuu ugu dambeyntii ku biiray Old Trafford.
Kadib markii uu u ciyaaray Ajax iyo Juventus, isla markaana uu u muuqday mid gabagabeynaya xirfadiisa kubadda cagta isagoo joogay Fulham. ku biirista Van der Sar ee Manchester United sanadkii 2005 ayaa keentay inuu magac weyn ka sameeyo oldtrafford goolhayaha reer Holland.
Markii Sir Alex Ferguson uu raadinayay goolhaye cusub kadib bixitaankii Peter Schmeichel, xiddigii ay hore isku kooxda ahaayeen ee Netherlands, Ruud van Nistelrooy, ayaa la hadlay tababare sir Alex isagoo bixiyay talo muhiim ah.
Intii uu ku sugnaa bandhigga Rio Ferdinand, Van der Sar wuxuu qirtay: “Waxaan u maleynayaa inay tani ahayd sababtii uu Ferguson ugu dambeyntii iigu saxiixday,” isagoo qiray in taladii Van Nistelrooy ay sababtay in United ay heshiis la gasho, inkastoo Ferguson markii hore ka laba-labeynayay da’diisa awgeed.
“Waxaan u maleynayaa in Ruud uu Ferguson kala hadlay [dhamaadka xilli ciyaareedkii hore] tallaabooyinka xiga ee United, wuxuuna yiri, ‘Waxaan raadineynaa khadka dhexe iyo goolhaye… markaa maxaad Van der Sar u qaadan weyday?'”
Goolhayihii hore ee Fulham ayaa ka sheekeeyay sida saaxiibkiis Dutch-ka uu ugu qanciyay Ferguson in la keeno kooxda, taasoo ay u muuqato inay shaqeysay maadaama Van der Sar uu noqday mid ka mid ah xiddigaha muhiimka ah ee kooxda.
Van der Sar wuxuu magaciisa ku qoray buugaagta taariikhda isagoo noqday mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican ee abid soo mara United. Ugu dambeyntii, wuxuu u ciyaaray lix xilli ciyaareed isagoo ah goolhayaha ugu muhiimsan kooxda Red Devils kahor inta uusan ciyaaraha ka fariisan 2011 isagoo jira 40 sano.