Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa si cad u qirtay in kooxda ay wajaheyso caqabado ku saabsan sidii ay u noqon lahaayeen kooxda heerka sare ee ay ku haminayaan. Isagoo ka hadlayay arrimaha suuqa kala iibsiga iyo qorshaha kooxda, Arteta wuxuu sheegay in ay jiraan xaddidaadyo iyo farqi ay tahay in la buuxiyo si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo.
Arteta oo ka hadlayay ayaa yiri:
“Waxaan leenahay xaddidaadyo gaar ah, waxaana jira farqi weyn oo u baahan in la daboolo si aan u noqonno kooxda aan dooneyno inaan noqono. Intaa waxaa dheer, waa in la heli karo ciyaartoyda saxda ah oo ku habboon qorshahayaga.”
Si kastaba ha ahaatee, Arteta wuxuu qirtay in inkastoo kooxda ay dooneyso inay ciyaartoy muhiim ah lasoo wareegto, haddana mararka qaarkood ay suurtagal noqon weydo.
“Xitaa haddii aad rabto ciyaartoy gaar ah, mararka qaar waa wax aan suurtagal ahayn. Waxaana taasi sabab u ah dhowr arrimood oo ay ku jiraan dhaqaalaha iyo helitaanka ciyaartoyda saxda ah.”
Caqabadaha Suuqa Kala Iibsiga
Arsenal ayaa si weyn u xoojisay safkeeda xilli ciyaareedkan, iyadoo keensatay xiddigo muhiim ah. Si kastaba, Arteta wuxuu tilmaamay in wali ay jiraan boosaska qaar oo u baahan in la xoojiyo si loo helo dheelitir iyo tayo sare.
Arteta wuxuu yiri:
“Waxaa jira waxyaabo badan oo aan u baahannahay inaan daboolno, taasina waxay ku xiran tahay helitaanka ciyaartoyda saxda ah iyo awoodda aan u leenahay inaan lasoo wareegno.”
Arsenal, oo horyaalka Premier League si wanaagsan u socota, ayaa sidoo kale tartamada kale sida FA Cup ka rajeynaysa guulo waa weyn. Tababaraha reer Spain ayaa sheegay in kooxda ay diyaar u tahay inay sii waddo dadaalka, balse wuxuu ku celceliyay in qorshaha dhismaha kooxdu uu yahay mid u baahan waqti iyo dulqaad.
Waxaa la sugayaa haddii Arsenal ay suuqa kala iibsiga bishan Janaayo sameyn doonto saxiixyo kale si ay ugu xoojiso safkeeda tartamada harsan.