Laacibka khadka dhexe ee Arsenal, Jorginho, ayaa laga saaray kulanka lugta labaad ee wareega siddeeda ee Champions League oo ay la ciyaarayaan Real Madrid Arbacada, kaddib dhaawac soo gaaray.
Xiddiga xulka Talyaaniga oo 33 jir ah ayaa laga saaray ciyaartii Sabtidii ay 1-1 la galeen Brentford daqiiqadihii ugu dambeeyay, iyadoo la tuhunsan yahay in uu dhaawac kasoo gaaray feeraha, taasoo keentay in Arsenal ay ciyaarta ku dhamaysato 10 ciyaartoy.
Kooxda sidoo kale waxay qiimeyneysaa jug soo gaartay laacibka Ghana, Thomas Partey.
Arsenal ayaa hoggaan 3-0 ah kaga horreysa Real Madrid kahor inta aysan u safrin garoonka Bernabeu lugta labaad.
Partey oo 31 jir ah ayaa ku bilowday ciyaarta Brentford isagoo ka ciyaarayay garabka midig ee daafaca, balse waxaa laga saaray qeybtii labaad kaddib markii uu “wax dareemay”, sida uu sheegay tababaraha Arsenal, Mikel Arteta.
Arteta ayaa la filayaa inuu qabto shir jaraa’id Talaadada kahor kulanka ugu weyn ee kooxdiisa xilli ciyaareedkan, iyadoo Champions League uu yahay rajada keliya ee koob ee ay Arsenal hayso xilli ciyaareedka 2024-25.