Inkastoo ay dhawaan la soo saxiixdeen Patrick Dorgu, Manchester United ayaa weli raadineysa daafacyo dhanka bidix ah, waxaana ay miiska u saartay €40m Alejandro Balde oo katirsan Barcelona (FootBoom)
Liverpool ayaa iib geysay Darwin Nunez, AC Milan ayaana dooneysa inay bixiso 60 milyan oo euro si ay ula soo wareegto weeraryahanka reer Uruguay. (Fichajes – Spain)
Chelsea iyo Manchester United ayaa ku dagaalamaya saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Sporting CP Ousmane Diomande. Blues ayaa loo arkaa inay ugu cadcadahay inay 21-jirkan ku iibiso 80 milyan oo eurro (TEAMtalk)
Arsenal ayaa waji ka waji kula dagaalameysa kooxda ay ku xafiiltamaan waqooyiga London ee Tottenham Hotspur saxiixa weeraryahanka Fiorentina Moise Kean. (Nicolo Schira)
Kooxaha Bayern Munich iyo Juventus ayaa kula biiray Real Madrid iyo Barcelona tartanka loogu jiro saxiixa Virgil van Dijk xagaagan hadii ay dhacdo in aanu heshiis cusub u saxiixin Liverpool. (El Nacional – Spain)
Haddii ay Liverpool lumiso kabtankeeda, Reds ayaa bartilmaameedsanaysa David Hancko. Daafaca dhexe ee Slovakia oo Arne Slot kala soo shaqeeyay Feyenoord ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxaha Chelsea iyo Tottenham Hotspur. (Caughtoffside)
Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona Deco ayaa qorsheynaya inuu heshiis hami is dhaafsi ah la galo Liverpool kaasoo la xiriira isku bedelashada Frenkie de Jong iyo Luis Diaz. (El Nacional – Spain)
Arsenal ayaa isha ku haysa weeraryahanka Liverpool Diogo Jota oo ay doonayaan saxiixiisa suuqa xagaaga. (Anfield Watch)
Manchester City ayaa wali dooneysa inay xoojiso xagaagan kooxdeeda, iyadoo RB Leipzig ninka katirsan ee Xavi Simons loo doortay bedelka Kevin De Bruyne. Ninka reer Holland ayay u badan tahay inuu ku kici doono wax ka badan €100m (El Nacional – Spain)
Nottingham Forest ayaa dalab €40m miiska u saartay Real Madrid oo ay ku dooneyso Raul Asencio. Kooxda Isbaanishka ayaa ka fikireysa in ay aqbasho dalabka. (Fichajes – Spain)
Arsenal ayaa isku dayaysa in ay Barcelona ka afduubato goolhayaha Espanyol ee Joan Garcia xagaagan. (El Nacional – Spain)
Newcastle United ayaa ka mid ah kooxo dhowr ah oo ka fiirsanaya inay Paulo Dybala ku bixiyaan qiimaha lagu burburin karo qandaraaska Roma. (Fichajes – Spain)