Sir Jim Ratcliffe ayaa doonaya in tababaraha xulka qarranka England ee Gareth Southgate uu noqdo macallinka cusub ee Manchester United ee xagaaga beddelaya Erik ten Hag. Sir Jim Ratcliffe ayaa waxa uu isku dayayaa inuu Southgate ku qanciyo inuu xagaaga iska casilo England oo uu la wareego Man United. (Star)
Manchester City ayaa u ogolaan doonta xiddiga reer England ee Jack Grealish oo 28 jir ah in uu ka tago xagaaga, waxaana uu qorshuhu yahay in lacagta ay ka helaan ay ciyaartooyo cusub kusoo iibsadaan. *HITC)
Weeraryahanka Newcastle United iyo xulka Sweden ee Alexander Isak oo 24 jir ah ayaa kusoo baxay liiska dhaliyeyaasha ay Arsenal doonayso xagaaga. (Football Insider)
Arsenal waxa kale oo ay diiraddeedu saaran tahay weeraryahanka kale ee reer Sweden ee Victor Gyokeres oo ah 25 jir u ciyaara kooxda Sporting Lisbon. (Teamtalk)
Tottenham, Chelsea iyo West Ham ayaa dhamaantood xiisaynaya weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo ah 28 jir ay Brentford xaqiijisay inay iibin doonto xagaaga. (Sun)
Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner oo 28 jir ah, ayaa ka doonaya Tottenham inay si rasmi ah u dhaqan-geliso qodobka ku jiray heshiiskii aamaahda ahaa ee ay kaga soo qaateen RB Leipzig, kaas oo dhigayay in Spurs ay 17 milyan oo Euro si rasmi ah ugu iibsan karayso Werner. (Florian Plettenberg)
Khadka dhexe ee reer Denmark ee Christian Eriksen oo 32 jir ah ayaa u sheegay tababaraha Manchester United ee Erik ten Ha gin aanu ku faraxsanayn sida uu ula dhaqmayo oo ah in uu kursiga kaydka ku illoobay. (Tipsbladet)
Weeraryahanka reer Belgium ee Johan Bakayoko ayaa waxa uu soo jiitay indhaha kooxaha Chelsea, Liverpool, Manchester City iyo Paris Saint-Germain. Kooxdiisa PSV Eindhoven ayaase 20 jirkan qiimihiisa ka dhigtay inta u dhaxaysa 50 illaa 60 milyan oo Euro.