Manchester United ayaa xiiseyneysa inay Paulo Dybala kala soo wareegto Roma xagaaga, markaas oo uu hal sano oo kaliya uga harsan yahay qandaraaskiisa. (Fichajes – Spain)
Liverpool ayaa u weecan doonta Nottingham Forest in ay 80 milyan oo ginni kaga qaadato Murillo hadii Virgil van Dijk uusan kordhin qandaraaskiisa Anfield. Brazilian-ka ayaa xiiseyn doona inuu ku biiro kooxda Reds (Caughtoffside)
Bartilmaameedka koowaad ee Arsenal ee suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa weli ah weeraryahanka Athletic Club Nico Williams. (Mirro)
Christopher Nkunku ayaa Chelsea ay ka hor istaagtay dalabyo kasoo gaaray Bayern Munich iyo Man Utd suuqii janaayo. (Mail Sport)
Fermin Lopez ayaan meesha ka saarin in uu ka tagayo Barcelona xagaaga inkasta oo uu diiday dalab kasoo gaaray Man United iyo Juventus. (El Nacional – Spain)
Real Madrid ayaa dib u eegi doonta mawqifkeeda ku aadan iibinta Rodrygo ee kooxaha Saudi Pro League, dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Fichajes – Spain)
Tottenham Hotspur ayaa dib u soo nooleyn karta xiisahooda daafaca dhexe ee Crystal Palace Marc Guehi xagaaga. (Mail Sport
Arsenal ayaa wadahadalo soo daahay u bandhigtay Alvaro Morata, laakiin xiddiga reer Spain wuxuu ku biiray kooxda Turkiga ee Galatasaray. (Sports)
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa isku dayay inuu Sergio Busquets kaga soo qaato Inter Miami waqti gaaban oo amaah ah, laakiin 36 jirkaan ayaa diiday dalabkii ahaa inuu buuxiyo booska ninka dhaawaca ah ee Rodri. (Express)
Tababaraha kooxda Napoli ee Antonio Conte ayaa niyad jab wayn kala kulmay guuldaradii kooxdiisa kasoo gaartay saxiixa Alejandro Garnacho oo katirsan Man Utd iyo Karim Adeyemi oo Borussia Dortmund ah. (Sky Italy)