Wada xaajoodyada u dhexeeya Liverpool iyo Real Madrid ee Trent Alexander-Arnold ayaa si weyn u qaboobay ka dib markii kooxda Premier League ay samaysay rabitaankooda ah inay sii heystaan xiddiga kasoo qalinjabiyay akadeemiyada kooxda. (Fichajes – Spain)
Haddii ay dhacdo in Alexander-Arnold uu ka tago Liverpool xagaaga, kooxda Arne Slot ayaa dooratay daafaca midig ee Barcelona Jules Kounde inuu noqdo bedelka ninka Ingiriiska ah (El Nacional – Spain)
Manchester United ayaa diyaarisay qorshaha ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Aurelien Tchouameni kaga dhigeyso bedelka mustaqbalka fog ee Casemiro, kaasoo oo ka tagi kara Old Traford. (Fichajes – Spain)
Casemiro ayaa lagu heli karaa wax ka yar 30 milyan ginni oo ah kala bar lacagtii ay United kaga soo iibsatay Real Madrid xagaagii 2022. Kooxo badan oo Saudi Arabia ah ka dhisan ayaa xiiso u muujiyay 32 jirkaan. (TBR Football)
Paris Saint-Germain ayaa diiday fursad ay kula soo saxiixan kartay Cristiano Ronaldo marka uu dhamaado qandaraaskiisa Al Nassr xagaaga, sabab la xiriirta da’diisa iyo mushaarkiisa oo xad dhaaf ah. (Fichajes – Spain)
Taas bedelkeeda, PSG ayaa qorsheyneysa inay heshiis is dhaafsi ah la gasho Aston Villa oo rabta saxiixa Randal Kolo Muani halka Jhon Duran uu u dhaqaaqi karo dhanka Paris. (Football Insider )
Chelsea ayaa ku soo baxday tartanka loogu jiro saxiixa Marc Guehi. Lacag £75m ayay Crystal Palace ku dalbatay ciyaaryahanka oo ay sidookale xiiso u qabaan Liverpool, Manchester United iyo Newcastle United. (Football Transfer)
Baadigoobkii dheeraa ee ay ku baadi goobayeen weeraryahan heersare ah, Arsenal ayaa keenay in ay dareenkooda u jeediyaan weeraryahanka Atalanta ee Mateo Retegui. Gunners ayaa diyaar la ah lacag dhan 55 milyan oo euro (Tuttomercatoweb – Italy)
Maamulaha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa ku hanjabay inuu is casili doono hadii kooxdu aysan lasoo saxiixan ciyaartooy cusub suuqa janaayo. (Fichajes – Spain)
Kabtanka Tottenham Hotspur Son Heung-min ayaa si dhab ah uga fiirsanaya inuu ka tago waqooyiga London inkastoo ay kooxdu isku dayday inay cusbooneysiiso qandaraaskiisa oo dhacaya dhamaadka xagaaga. Barcelona ayaa xiiso weyn u muujisay ( Sports)