Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa calaamadsatay saxeexa koowaad ee ay samayn doonto marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, kaas oo ay ku xoojin doonto si ay ugu tartanka Premier League iyo Champions League.
Gunners oo hadda laba dhibcood ka dambaysa Manchester City oo hoggaanka haysa isla markaana ku ducaysanaysa in kulanka ugu dambeeya ee Axadda laga qabto City si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premeir League, ayaa waxa ay dhinaca kalena sii wadaan qorshaha suuqa iibka ciyaartoyda.
Tababare Mikel Arteta ayaa waxa uu maamulka kooxdiisa u sheegay inuu u baahan yahay dhaliye dabiici ah uu ku aamini karo afka hore, halkaas oo uu rumaysan yahay inay tahay booska ay kooxdiisu ka liidato ee ay tahay inay iska xoojiyaan.
Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus oo saluug badan laga muujiyey, ayaa uu Mikel Arteta kaydka u dhaadhciyey, sidoo kalena Eddie Nketiah ayaa ka baxay xulashada tababaraha reer Spain, halka uu Kai Havertz ka dhigay hoggaamiyaha weerarka, inkasta oo aanu ahayn No.9 dabiici ah.
Arsenal oo lala xidhiidhinayo weeraryahanno badan sida Ivan Toney oo u ciyaara Brentford,, Viktor Gyokeres oo u dheela Sporting Lisbon iyo dhaliyaha Bologna ee Joshua Zirkzee, ayaa waxa ay dookha koowaad ka dhigatay weeraryahanka RB Leipzig ee Benjamin Sesko.
Wargeyska Telegraph ayaa sheegay in tababare Mikel Arteta iyo Edu ay isla qaateen in Benjamin Sesko 79 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay RB Salzburg u dhaliyey 29 gool, ay ka dhigtaan bartilmaameed, iyadoo laacibkan reer Slovenia uu kooxdiisa hadda ee RB Leipzig u dhaliyey 17 gool xilli-ciyaareedkan uu qabto shaqooyin badan oo kale sida caawin iyo kubbad-samayn.