Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay kula tartameyso Arsenal tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Atalanta Mateo Retegui.
25 jirkaan ayaa Atalanta kaga soo biiray kooxda Genoa aduun dhan 20.9 milyan euro bishii August, waxaana uu u dhaliyay 23 gool 33 kulan oo uu u saftay kooxda Gian Piero Gasperini xilli ciyaareedkan.
Retegui ayaa soo jiitay xiisa kooxaha waaweyn dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana haatan ku raad jooga Arsenal, Paris Saint-Germain iyo Man Utd, sida laga soo xigtay majaladda Isbaanishka ee Fichajes.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa lagu wadaa inuu ku baxo lacag u dhaxeysa 50-60 milyan euro, iyadoo kooxda Atalanta ay dooneyso inay sare u qaaddo qiimihiisa dhamaadka sanadkan.
Weeearyahanka waxaa la filayaa inuu ku lug yeesho dagaal suuqa kala iibsiga ee u dhaxeeya kooxo badan oo Yurub ah, waxaana xiisihiisa haata hogaaminaya Arsenal iyo Man United.
Arsenal ayaa lala xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso Retegui dhowr bilood ka hor, Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa inuu xiddiga Atalanta u arko xalka ugu fiican ee dhibaatada weerarka dhexe ee kooxdiisa.