Chelsea iyo Arsenal ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga reer Nigeria ee Atalanta Ademola Lookman xagaagan.
Sida uu shaaca ka qaaday saxafiga caanka ah ee kubada cagta Talyaaniga Di Natale, kooxaha ka dhisan London ayaa si firfircoon ugu jira tartanka weeraryahanka Ademola Lookman.
Di Natale ayaa xusay in Juventus ay dhawaan weydiisay macluumaad ku saabsan Lookman kooxdiisa, waxaana loo sheegay in kaliya uu ku bixi karo qiimo 60 milyan oo euro.
Laakiin waa Arsenal ama Chelsea kuwa ugu macquulsan ee Lookman u dhaqaaqi karo dhamaadka xilli ciyaareedkan” sida uu shaaca ka qaaday saxafiga talyaaniga.
27-sano jirkaan ayaan wali go’aansan mustaqbalkiisa, laakiin wuxuu jeclaan lahaa inuu ku laabto Premier League xagaagan.
Atalanta sidoo kale waxay diyaar u tahay inay iibiso haddii Lookman uu rabo inuu dhaqaaqo marka la furo suuqa kala iibsiga xagaaga.
Laacibka sannadka Afrika ayaa hadda loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda loogu xiiso badan yahay kubbadda cagta Yurub.
Waxa uu saddexley u dhaliyey Atalanta ciyaartii finalka Europa League ay 3-0 kaga adkaadeen Bayer Leverkusen bishii May ee sanadkii la soo dhaafay.
Arsenal Ayaa Maanta Soo iibsatay orgeyga maanaboolyo ee Magaciisa la yiraahdo (Ali
uraaye) ciyaaryahan Ali Uraaye wuxuu 10 gool ka dhaliyay Ri’i La yiraahdo (Geesa Cad) oo ka dheesho Suuqa Bakaaraha Arsenal ayuu ku soo iibsatay 36 milyan
waxaan idin weeydiiyay maalin walbo Arsenal in eey ciyaaryahano soo gadaneeyso aad nagu wareeriseen waxna sooma gadato ee yeeynan difoosanimo idin qaadin ee ciyaaraha si fiican uga hadla ama ska dhaafa Arsenal kaliya oo aad ka hadleeysaan