Kooxda Liverpool ayaa marti galisay kooxda Fulham kulan ka tirsan todobaadka 16-aad ee horyaalka Premier League.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Anfield, Liverpool, jawi u wanaagsan kuma dareemin garoonkeeda kadib casaankii loo taagay daafaca bidix ee Robertson.
Pereira ayaa dhaliyay goolka hogaanka loogu qabtay Liverpool, iyadoo Fulham ay ciyaarta hogaamisay.
Hogaanka loo qabtay Reds waxaa kaga darnaa Robinson oo loo taagay casaan 5 daqiiqo kadib markii Liverpool laga dhaliyay goolka.
Pereira ayaa awooday in uu kubbad maqas ah oo qurux badan xagasha ka galiyo shabaqada kooxda Liverpool, waxaana golkaas lagu nasiyay qeybtii hore Reds oo marti loo ahaa.
Qeybta labaad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa dadaal dheer u gashay in ay kasoo laabato goolka lagu hogaaminayay, waxaana u suurta gashay Gakpo inuu dhaliyo goolka barbaraha ah kadib caawin uu ka helay Salah.
Liverpool waxaa wadnaha jaray Muniz oo ka dhaliyay gool ciyaartii Anfeild isagoo aamusiyay jamaahiirta Reds ee qeylada badan.
Laakiin dhaaadka ciyaarta Liverpool oo sanadkaan hami ka hel horyaalka waxaa goolka barbaraha ah u dhaliyay Jota oo dhaawac kasoo laabtay.
Guud ahaan kulanka ayaa kusoo dhamaaday barbaro 2-2 ah, waa wax u fiican Reds oo 10 ciyaartooy ku dhameysatay kulanka.
Salah waa boqorka Liverpool
Mohamed Salah ayaa haatan 29 gool ku lug yeeshay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.
Wuxuu caawiyay goolkii Cody Gakpo ka dhaliyay caawa kooxda Fulham, waxaana taas ay la micno tahay boqorka masar inuu sameeyay caawintiisii 100-aad ee Liverpool.