Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa magacaabay lix kooxood oo uu u arko inay u tartami karaan ku guuleysiga Champions League xilli ciyaareedkan, kaddib markii kooxdiisa ay si naxdin leh uga hartay tartanka.
Hoggaamiyeyaasha Premier League ayaa fursad wanaagsan u haystay inay u gudbaan wareega siddeed dhammaadka kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen PSG lugtii hore ee wareega 16-ka. Inkastoo ay dhibaatooyin la kulmeen kulankii Parc des Princes, goolhaye Alisson Becker ayaa bandhig heer sare ah sameeyay, halka Harvey Elliott uu dhaliyay gool guul keenay daqiiqadihii ugu dambeeyay.
Liverpool waxa ay filaysay in garoonkeeda Anfield uu door weyn ka ciyaaro lugta labaad, balse PSG ayaa ciyaarta keentay rigoorayaal kaddib markii ay 1-0 ku badisay waqtigii caadiga ahaa, Ousmane Dembele ayaana dhaliyay goolka kaliya ee kulanka. Gianluigi Donnarumma ayaa badbaadiyay rigoorayaal lay tuurteen Darwin Núñez iyo Curtis Jones, taasoo PSG ku hoggaamisay guul 4-1 ah oo ay rigoorayaal ku heleen.
Si kastaba ha ahaatee, Arne Slot ayaa diiday in PSG uu u aqoonsado kooxda ugu cadcad ku guuleysiga Champions League, isaga oo sheegay in ay jiraan shan kooxood oo kale oo fursad u haysta hanashada koobka.
Slot ayaa u warramayay Amazon Prime Video wuxuuna yiri: “Maya, ma dhihi karo waa kuwa ugu cadcad. Waxaad ogtahay sida aan u jecelahay qaabka ay u ciyaaraan iyo sida ay u fiicnaayeen labadii kulan ee aan la dheelnay.”
“Waa koox aad u wanaagsan, laakiin waxaa weli tartanka ku jira kooxo badan oo tayo leh. Caadiyan, kooxaha noocaan ah waxaa lagu wajahayaa semi-final ama final, laakiin nasiib darro, PSG ayaan horay u la kulannay iyadoo ay wareegan joogaan.”
“Way guuleysan karaan, haa, laakiin nasiib darro ma aha kooxda kaliya ee fursad u leh. Marka la ciyaarayo labo kulan, nasiib wacan iyo mid xunba waa ay saameyn karaan.”
Markii la weydiiyay kooxaha uu u arko kuwa ugu cadcad, Slot wuxuu intaas ku daray: “Ma aanan la ciyaarin dhammaan kooxaha tartanka ku jira, laakiin hadda waxaan aad u jecelahay qaabka ay Barcelona u ciyaarayso. Arsenal waa koox aad u wanaagsan, Real Madrid, Atletico Madrid, Bayern Munich – dhammaan waa kooxo aad u xoog badan. Sidaas darteed, tartanku wuxuu noqon doonaa mid aad u adag.”