Goolhaye Emiliano Martinez ayaa rigoore ku badbaadiyay Lionel Messi, iyadoo Argentina ay u soo baxday semi-finalka Copa America markii ay 4-2 rigooreyaal ah kaga badisay Ecuador.
90-kii daqiiqo ee ciyaarta ayaa lesku mari waayay barbaro 1-1 ah, Messi ayaa ahaa ciyaaryahanka kaliya ee Argentina ka qasaariyay rigoorada, isagoo kubada uu u laaday ‘Panenka’ kuna garaacay birta goolka.
Si kastaba ha ahaatee, Martinez ayaa badbaadiyay labadii rigoore ee ugu horeysay ee Ecuador si uu ugu diro xulkiisa wareega afar dhamaadka
Daafaca dhexe ee halyeeyga ah Nicolas Otamendi ayaa rigoorada guusha u dhaliyay si uu u xaqiijiyo guusha.
Xulka Ecuador ayaa iska khasaariyay fursadihii ugu horeeyay ee ay heleen Moises Caicedo iyo Jeremy Sarmiento ka hor inta uuna Lisandro Martinez madax ku dhalinin, hogaankana u dhiibin Argentina daqiiqadii 35-aad.
Daqiiqadii 62 aad Rodrigo De Paul ayaa rigoore ku galay xerada ganaaxa dhexdeeda, laakiin weeraryahankii rugcadaaga ahaa ee Enner Valencia ayaa rigoorada ka khasaariyay Ecuador.
Waxa ay u muuqatay in Argentina ay 1-0 ku badin kartay ilaa uu dhamaadkii ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay Kevin Rodriguez, kaasoo karoos fiican uu ka helay John Yeboah.
Ecuador ayaa markaas ku dhawaatay inay badiso ciyaarta waqtigii dhimashada, iyadoo Jordy Caicedo uu ku guuldareystay inuu xiriir muhim ah la sameeyo kubad madax ahayd ka dib markii uu karoos ku helay xerada ganaaxa.
Argentina ayaana sidaasi rigooreyaal ugu soo gudubtay wareega afar dhamaadka ee tartanka Copa América.