Goolhayaha Manchester United, André Onana, ayaa si cad u hadlay kadib markii laga reebay ciyaartii ay kooxdu guuldarro xanuun badan kala kulantay Newcastle United oo 4-1 ahayd. Onana ayaa si toos ah u sheegay inuusan isagu sabab u ahayn dhibaatooyinka kooxda.
Onana ayaa la sheegay inuu yiri:
“Waxay moodayeen inaan anigu dhibaatada ahay, balse eeg wixii dhacay markii aan maqnaa kulankii Newcastle. Kooxdan waxay la daalaa dhacaysaa dhibaato weyn. Milkiilayaashu weli ma garan dhibaatada dhabta ah ee jirta.”
Hadalladan ayaa imanaya xilli Manchester United ay ku jirto xaalad adag oo kala daadsanaan ah, iyadoo haatan meel hoose kaga jirta kala sarreynta Premier League.
Ciyaartii ka dhacday St. James’ Park ayaa muujisay nuglaanta difaaca United, iyadoo Newcastle ay sameysay guushoodii ugu horreysay ee labadii kulan ee horyaalka ka dhanka ahaa United tan iyo 1931.
Goolhayihii hore ee United, Ben Foster, ayaa taageeray go’aankii tababaraha Ruben Amorim ee uu Onana ku fariisiyey kursiga keydka, hase yeeshee waxa uu qirtay in cadaadis xooggan uu saaran yahay goolhayaha. Foster wuxuu sheegay in Onana uu u muuqday mid “walwalsan” marka ciyaaruhu adkaadaan, taas oo muujinaysa in goolhayaha in uu u baahan yahay kalsooni iyo xasillooni maskaxeed.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Manchester United ay si dhow ula socoto goolhayaha Southampton ee Aaron Ramsdale si ay ugu beddesho Onana haddii loo baahdo.
Hadallada tooska ah ee Onana ayaa muujinaya in kooxda ay u baahan tahay dib-u-eegis buuxda oo ku saabsan sida ay u socoto iyo cida dhab ahaantii ka dambeysa hoos u dhaca kooxda.