Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti ayaa sheegay in afarta ciyaartooy ee kala ah Jude Bellingham, Vinicius Jr, Rodrygo iyo Kylian Mbappe ay horumariyeen kooxdiisa.
Ancelotti ayaa ka hadlay kadib markii Real Madrid ay 3-0 ku garaacday Mallorca ciyaar ka tirsaneyd semi-finalka Super Cup-ka Spain Khamiistii.
Goolal ka kala yimid Bellingham, Valjent oo iska dhaliy gool qaldan iyo Rodrygo ayaa guusha siiyay Los Blancos kulan ka dhacay garoonka King Abdullah Sports City ee magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Real Madrid ayaa la ciyaari doonta kooxda Barcelona finalka Spanish Super Cup dhamaadka todobaadkan.
“Isaga Bellingham waa lama huraan. Horumarka kooxda waxaa sabab u ah Bellingham, Vini Jr, Rodrygo iyo Mbappé oo la isku daray,” ayuu yiri Ancelotti.
“Sidoo kale waxaan haysanaa koox isku dheeli tirnaan wanaagsan leh, iyadoo weeraryahano badan ay garoonka wada gali karaan kulan kasta sida uu ku faanay Carlo Ancelotti.
Real Madrid ayaa horumar samaysay usbuucyadii la soo dhaafay tartamada oo dhan.
Kooxda Ancelotti ayaan wax guuldaro ah la kulmin sideedii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo badiyay 7 kamid ah halka ay bar-baro galeen kulanka kale.