Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa uga digay ciyaartoydiisa inaysan jiri doonin wax marmarsiiyo ah haddii aysan ka badinin Everton Premier League kulanka Axadda.
Amorim waxa uu mar kale isku diyaarinayaa kulan kale oo muhiim ah maadaama ciyaaruhu ay si xawli ah u socdaan.
39-sano jirkaan ayaa la wareegay kooxda Man Utd kulankii barbaro 1-1 ah ay la galeen Ipswich kahor inta uusan 3-2 kaga nadin Bodo/Glimt tartanka Europa League xalay.
Amorim waxa uu qirtay in uu ka fakirayo taam ahaanshaha kooxdiisa ka hor jadwal mashquul badan ee December.
“Waa waxa ay tahay inaan ka fakiro Amorim ayaa yiri markii wax laga weydiiyay jadwalka ciyaaraha xiriirka ah ee kooxdiisa kusoo wajahan.
“Waxaan isku shaandheyn doonaa ciyaartoyda, waa inaan isticmaalno afar bedel kulan kasta si aan u maareyno jirka ciyaarooyda, ma aha ciyaarta oo kaliya waxa aan maamulayo sidookale taam ahaanshaha xiddigaha waa muhiim ah “ayuu yiri Amorim.
Waa inaan sameynaa wax walba, ma heli doono wax cudur daar ah haddii aan badin weyno Axadda”ayuu hadalkiisa raaciya Amorim.