Alvaro Morata ayaa shaki la galinaya inuu taam u noqon karo finalka Euro 2024 ka dib dhacdo yaab leh oo ku dhacday ciyaartii Spain ay 2-1 kaga badisay France.
Kabtanka Spain ayaa la bedelay daqiiqadii 76aad, laakin waxa uu ku soo laabtay garoonka ka dib markii ay dhamaatay ciyaarta islamarkaana uu dhacay seeriga, iyadoo xulka qaranka uu u dabaaldegayay usoo bixitaankooda finalka.
Taageere ayaa isku dayay in uu sawir la galo ciyaaryahanka Spain laakin waxay isku dhaceen ilaaliyahiisa,
taasoo keentay in Morata uu dhutiyo.
31 jirkaan ayaa xanuun daran dareemay ka dib dhacdada, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo inuu haatan shaki ku jiro kulanka finalka ee Axada ay la ciyaarayaan England ama Netherlands midkood.
Tababaraha Spain Luis de la Fuente ayaa awoodi waayay inuu ka warbixiyo arrinta weeraryahanka, laakin wuxuu rajo ka muujiyay in kabtankiisa uu diyaar u yahay kulanka finalka.
Morata ayaa ciyaaray dhamaan lixdii kulan ee ay ciyaareen Spain Euro 2024, hal gool ayuu dhaliyay midna caawiye ka ahaa.
weeraryahanka Atletico Madrid ayaana markale hogaamin doona line-upka La Roja finalka hadii uu diyaar u yahay inuu kabsado.