Halyeeyga Newcastle Alan Shearer ayaa aaminsan in kooxda kaliya ee awood u leh inay la soo wareegto Alexander Isak xagaagan ay tahay Chelsea.
Arsenal ma awoodi doonto inay bixiso qiimaha rikoorka ah ee lagu iibsan karo weeraryahanka reer Sweden ee ka dhaqaaqi kara St James Park.
Isak ayaa dhaliyay goolkiisii 15-aad ee xilli ciyaareedkan isaga oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kulankii uu wajahay kooxda mudada dheer lala xiriirinayay saxiixiisa ee Arsenal.
Inkasta oo ay qadariyaan tababaraha Gunners Mikel Arteta iyo agaasimihii hore ee ciyaaraha Edu, Isak marna kuma guuleysan inay ka dhaadhiciyaan u dhaqaaqista Emirates stadium.
Chelsea, waa kooxda ugu dhaw ee awooda in ay iibsadaan Alexander Isak; Sababtoo ah waxay heystaan awood dhaqaale oo suuqa kala iibsiga ah, “ayuu yiri Alan Shearer.
Newcastle United ayaa hore ugu dhawaaqay in qiimaha lagu fasixi karo Isak uu yahay 150m taasoo culeys weyn ku noqtay kooxo badan oo ay kujirto Arsenal.