Halyeeyada Ingiriiska ee Alan Shearer, Gary Lineker iyo Micah Richards ayaa dhamaantood saadaal isku mid ah ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee xilli-ciyaareedka dambe, waxaanay magacaabeen kooxda ku guuleysanaysa oo ay ka midaysan yihiin.
Horyaalka Premier League oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey ay si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay Manchester City, ayaa waxa ay Alan Shearer, Gary Lineker iyo Micah Richards sheegeen in waqtigeedii soo dhamaaday oo ay faro-madhnaan noqon doonto xilli-ciyaareedka soo socda.
Pep Guardiola oo la sheegay in uu xilli-ciyaareedka soo socda noqon doono midkiisii ugu dambeeyey ee Manchester City ayaa waxa sida saadaaliyeyaashu ay sheegayaan uu waqtigiisa Premeir League kusoo dhamaan doonaa iyadoo kooxdiisu ay qatan tahay oo laga faro-maroojiyey horyaalka uu lixda jeer ku guuleystay toddobadii sannadood ee uu joogay Man City.
Waxa saadaashan ku waafaqay difaacii hore ee Manchester City ee Micah Richards oo isaguna yidhi: “Waan kugu raacsanahay, waan kugu raacsanahay. Waxa jira horumar weyn oo ay samaysay Arsenal.
Ex-Manchester City defender Richards added: ‘Agreed, agreed. There’s been massive improvement from Arsenal. Bal waxa aad dib ugu laabataa ciyaartii Aston Villa ee Unai Emery uu taatikada la dheelay. Waa niyad-jabka kaliya ee Arsenal ka hor joogsaday horyaalka, laakiin sannadka dambe iyaga ayaa ku guuleysan doona.”
Weeraryahankii hore ee xulka England iyo kooxaha Liverpool, Barcelona iyo Leeds United ee Gary Linekere ayaa isaguna yidhi: “Anigaba waxay ila tahay in Arsenal ay ku guuleysan doonto, laakiin waa inay is-xoojiyaan.”