Afar ciyaaryahan ayaan la siinin bilada ku guuleysiga horyaalka Premier League ee Man City inkastoo ay kooxda u ciyaareen xilli ciyaareedkan.
City ayaa ku guuleysatay koobkii afaraad oo isku xigta ee horyaalka Premier League, waana markii ugu horeysay ee ay sidaas dhacdo taariikhda horyaalka Ingariiska.
Maamulka Premier League ayaa Man City gudoonsiiyay 40 biladood oo loo qeybiyay ciyaartoyda, tababare Pep Guardiola iyo shaqaalaha tababarka.
Sharciga ayaa ah in ciyaaryahan walba oo saftay ugu yaraan shan kulan oo Premier League ah inay helayaan hal bilad.
21 ciyaartooy oo Man City ah ayaa xilli ciyaareedkan dheelay Premier League, taasoo la micno ah in 19 biladood loo qeybinayo Pep Guardiola iyo shaqaalihiisa.
Kooxaha ayaa ka codsan kara maamulka Premier League bilado dheeri ah laakiin waa kaliya haddii 39 ciyaartooy ama ka badan ay ciyaareen ugu yaraan shan kulan oo horyaalka ah.
Afar ciyaaryahan ayaa haatan seegay inay helaan bilada guusha Premier League inkastoo ay kooxda u ciyaareen xilli ciyaareedkan.
Dhamaan afarta ciyaartooy ma ahan kuwa kooxda jooga iyadoo labo ka mid ah ay si joogta ah kooxda uga tageen.
Xiddiga Chelsea Cole Palmer oo xilli ciyaareedkan Blues u dhaliyay 22 gool oo horyaalka ah islamarkaana caawiye ka ahaa 10 gool ayaa hal kulan u ciyaaray Man City xilli ciyaareedkan, isagoo bedel 10 daqiiqo ah ku soo galay kulankii furitaanka ee ay 3-0 kaga badiyeen Burnley.
Kulankaas waxa uu sidoo kale kulankiisii ugu danbeeyay u ahaa daafaca dhexe Aymeric Laporte kaasoo ku biiray dhamaadkii bishaas kooxda horyaalka Sacuudiga ee Al Nassr.
Labada ciyaaryahan kale ee bilada loo diiday waa xiddiga amaahda ku jooga West Ham Kalvin Phillips oo afar kulan u saftay Man City iyo xiddiga amaahda ku jooga Sheffield United Jams McAtee oo hal kulan ciyaaray.