Portugal ayaa Kulan Xamaasadiisa Wata waxay caawa garoonka Volkspark stadion kula ciyaaraysa xulka France.
France ayaan weli iloowin finalkii 2016 ee Portugal ka qaaday, waxayna caawa u socdan aargoosi.
Portugal ayaa isniintii ka badbaaday murugo wayn oo ka soo gaadhi lahayd wareega 16ka iyada oo u baahatay rigooreyaal si ay u dhaafaan xulka Slovenia Iyadoo Cristiano Ronaldo uu ku guuldareystay inuu rigoore uu urogo gool.
Taasi waxay ahayd bandhigii labaad oo aan lagu qancin oo ay la yimaadeen wiilasha Martinez, kuwaas oo xaqiijistay guulo xiriir ah oo ay ka gaareen Czech Republic iyo Turkey labadii kulan ee ugu horeysay ee Group F ka hor inta aysan guuldaro 2-0 ah kala kulmin xulka tartanka ku cusub ee Georgia 26-kii June.
Inkastoo ay ku guuldareysteen inay iska xaadiriyaan wareega 8da.
Faransiiska oo laba jeer ku guuleystay Euro ayaa u soo gudbay wareega 8da.
Saddexda gool ee ay Les Bleus dhalisay ilaa hadda midna kuma iman ciyaar furan, iyadoo xiddiga Real Madrid Kylian Mbappe uu rigoore ka dhaliyay kulankii ay barbaraha 1-1 ah la galeen Poland wareega guruubyada, labada gool ee kale ee ay dhaliyeenna waxay ku yimaadeen gool layska dhaliyay.
Run ahaantii kooxda Didier Deschamps ayaa Jan Vertonghen u mahadceliyey Isniintii iyadoo daafacii hore ee Tottenham Hotspur uu si badheedh ah kubbada ugu beddelay shabaqiisa si uu neerfaha ugu gacan geliyo France 1-0 ay kaga adkaadeen Belgium kulankoodii 16-aad ee ugu dambeeyay.
France ayaa ku faanta rikoorka sare ee taariikhda kulankaan, iyagoo badiyay 19 ka mid ah 28-kii kulan ee ugu danbeysay ee labada xul.
Portugal ayaa waqtigaas badisay lix jeer, halka 3 jeer barbaro ay galeen.
Kulankan ayaa noqon doona kulankii shanaad ee koobka qaramada qaarada Yurub ee dhexmara labada xul, iyadoo France ay laba guul gaartay afartii kulan ee ugu dambeeyay tan iyo 1984kii.
Portugal ayaa hal guul gaartay, taasoo ahayd finalkii 2016, markaasoo ay 1-0 lagu garaacay france.
France ayaan laga badinin seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Portugal tartamada oo dhan, hal guul iyo labo barbaro ayee galeen ah tan iyo guuldaradii finalka Euro 2016.
Kulankoodii ugu dambeeyay ayaa ahaa heerka Group-yada ee Euro 2020, markaasoo ay barbaro 2-2 ah ku wada galeen Puskás Aréna.
Kulankaas, Ronaldo iyo saaxiibkii hore ee Real Madrid Karim Benzema ayaa labadoodaba dhaliyay labo gool.
Portugal ayaa badisay dhamaan marka laga reebo hal kulan 14-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartan rasmi ah, iyadoo guuldaro lama filaan ah oo 2-0 kala kulmeen Georgia.
France lagama badin mid kasta oo ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartan rasmi ah, iyagoo badiyay sagaal guul iyo seddex barbaro tan iyo guuldaradii rigoorayaasha ee Argentina ee Koobka Adduunka 2022.
Habeen weyn ayee u noqon doonta labada ciyaaryahan ee Ronaldo iyo Mbappe.