Spain iyo Germany ayaa isaga hor iman doona wareega 8da ee Euro 2024 caawa , kulan ay dhakada sare kaga xiranayaan garoonka MHP Arena halkaasi oo ay isku cadaabi doonaan labada xul.
Cidi daah kama saarna inay ciyaartan noqon doonto midka dunida, waxay sidoo kale noqon doonta mid aad uu xiiso badan oo in badan Laga Sheekeen doono.
Xulka qaranka Spain ayaa ku guulaystay in ay rekoodh sax ah ku ilaashadaan Euro 2024 iyaga oo isku diyaarinaya dagaalkoodii ugu adkaa ee ay caawa la ciyaari doonaan xulka marti galinaya tartanka ee Germany.
La Roja ayaa ah qaranka kaliya ee badiyay dhamaan kulamadoodii Euro 2024.
Waxa ay wareega Group-yada ku garaaceen Croatia, Italy iyo Albania iyaga wareega 16-ka ay ku dubteen Georgia.
Wiilasha Luis de la Fuente ayaa markii ugu horeysay gool laga dhaliyay ciyaartii ay la ciyaareen Georgia.
Dhanka kale, Jarmalku wuxuu sidoo kale ku dhawaaday inuu la mid noqdo xulka da’da yarta u badan ee Spain.
Ka dib markii ay ku bilowdeen ololahooda 5-1 ay kaga badiyeen Scotland, Xulka Die Mannschaft ayaa 2-0 ku garaacday Hungary kulankoodii labaad ee heerka group-yada ka hor inta aysan barbaro 1-1 ah la galin Switzerland kulankoodii seddexaad, halka ay dhegaha ka garaacday Denmark kulankii wareega 16ka.
XOGTA TAARIIKHDA KULANKOODA
Spain iyo Germany ayaa isaga horyimid 26 jeer tartamada oo dhan.
Germany ayaa badisay sagaal kulan halka Spain ay badisay sideed jeer.
Sagaal kulan ayaa ku dhamaaday bar-baro, shantii kulan ee ugu dambeeyay ee ay labada xul wada ciyaareen, Spain iyo Germany ayaa midkiiba guul gaaray.
Kulankoodii ugu dambeeyay wuxuu dhacay Koobka Adduunka ee 2022 waxayna ciyaartu ku dhamaatay 1-1.
Spain iyo Germany midkoodna kuma guulaysan in ay dhaliyaan wax ka badan hal gool lix ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
Kaliya 6-0 ay Spain kaga badisay Germany tartanka UEFA Nations League bishii November 2020.
Spain iyo Germany ayaa ah labada xul ee ilaa hadda goolasha ugu badan ka dhaliyay Euro 2024.
Germany ayaa dhaliyay 10 gool halka Spain ay 9 jeer shabaqa soo taabatay tartanka.
AFAR ARRIMOOD KA OGOOW KULANKAAN
- Toni Kroos ayaa dhameystiray 95% baasaskiisa Euro 2024, waana rikoorka ugu sarreeya ee ciyaaryahan kasta oo tartanka ku jira tan iyo 1980-kii.
- Lamine Yamal oo 16 jir ah ayaa ilaa hadda Spain laba caawin ka samaysay tartanka.
Waa da’yarkii seddexaad ee rikoorkaas sameeyay wax ka badan hal caawin ka sameeyay tartanka tan iyo Cristiano Ronaldo (2004) iyo Enzo Scifo (1984).
- Germany ayaa ku guuldareysatay inay garaacdo Spain kulankoodii ugu horeeyay ee ay La Roja ku ciyaaraan garoonkooda (2-1 guuldarro ah kulan saaxiibtinimo ayuu ahaa 1935kii).
Si kastaba ha ahaatee, wax guuldaro masoo gaarin sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay Spain ku kulmeen gurigooda, shan guul iyo seddex barbaro ayee heystan.
- Jamal Musiala waxa uu hore u dhaliyay saddex gool Euro 2024.
Waa mid ka mid ah gooldhaliyaasha ugu halista badan tartanka.
Si kastaba Spain iyo Germany ayaa caawa ku kala calaf qaadan doona wareega 8da ee Euro 2024.