Erik ten Hag ayaa xaqiijiyay dhaawac kale oo soo gaaray Manchester United iyadoo ay jiraan dhowr caqabadood oo dhanka xulashada ah uu wajahayo ka hor kulanka maanta Oo Sabti ah ay la ciyaarayaan Everton ee horyaalka Premier League.
Tababaraha reer Holland ayaa weli waxaa ka maqan weeraryahan Rasmus Hojlund oo dhaawac muruqa ah qaba, taasoo la micno ah in Marcus Rashford uu mar kale ka ciyaari doono weerarka dhexe.
Daafaca dhexe Lisandro Martinez ayaa weli maqan, halka Mason Mount uu ku dhow yahay inuu ka soo laabto dhaawac kubka ah laakiin la filayo inuu garoomada ku soo laabto ka dib fasaxa caalamiga ah ee soo socda.
Ten Hag ayaa xaqiijiyay in seddexda ciyaaryahan ee Hojlund, Harry Maguire iyo Aaron Wan-Bissaka ay ciyaari karaan kulanka Axada soo socda ee wareega 8da FA Cup ee ay la ciyaarayaan Liverpool.
Laakiin waxaa jira war aan fiicneyn oo ku hareereysan daafaca bidix ee Tyrell Malacia, kaasoo aan lagu arkin funaanada United xilli ciyaareedkan iyadoo ay jiraan dhibaatooyin dhaawac oo isdaba joog ah.
Xaalada Malacia ayaa aheyd mid qarsoodi ah isagoo ka dhaawacmay jilibka xagaagii hore.
Bishii Disembar, waxaa la sheegay in Malacia la filayay inuu ku soo laabto garoomada bishii Janaayo, laakiin ma jirin faahfaahin cusub oo laga bixiyay xaaladiisa tan iyo markaas, waxayna u muuqataa inuusan garoomada ku soo laaban doonin waqti dhow.
Tababare Ten Hag ayaa xaqiijiyay ka hor kulankiii Everton in Malacia uu wajahay dib u dhacyo la xiriira soo kabsashadiisa islamarkaana uu maqnaan doono inta ka harsan xilli ciyaareedkan.
Wuxuu yiri: “Waxaan u maleynayaa inay ku adkaan doonto isaga inuu ciyaar xilli ciyaareedkan, wuu dagaalmi doonaa, garoonka wuu ku soo laabtay laakiin kooxda tababar lama qaadanayo.