Xiddiga da’da yar ee khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Bobby Clark ee isku muujiyey kulamadii ugu dambeeyey, ayaa waxa uu magacaabay xiddig ka tirsan kooxdaas oo uu arday u yahay, kaas oo uu ka qaato casharrada iyo duruusaha farsamo ee kubadda cagta.
Bobby Clark ayaa wacdaro ka dhigay garoomada usbuucyadii tegay, isaga oo boos helay markii ay kooxda ka dhaawacmeen xiddigaha waaweyn sida Dominik Szoboszlai, Mohamed Salah, Alexander-Arnold, Darwin Nunez, Diogo Jota, Curtis Jones iyo goolhaye Alisson Beker.
Bobby Clark oo kusoo bilowday ciyaartii ay Sabtidii Liverpool 1-0 kaga badisay Nottingham Forest oo daqiiqaddii 99aad uu goolka madax ugu dhaliyey Darwin Nunez, ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay in ciyaartoyga uu ardayga u yahay ee uu wax ka barto uu yahay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisa ee Alexis Mac Allister oo ahaa laacibkii soo qaaday kubaddii uu madaxa ku dhamaystiray Darwin Nunez.
“Mar walba waxa igu jiray dareenka ah inay wax saayn doonaan ciyaartoydayada sarsare ee soo galay garoonku, Alexis na wuu deggenaa dhamaadkii waxaana uu kubadda u dhiibay Nunez oo dhaliyey.” ayuu yidhi Bobby Clark.
Waxa uu intaa ku daray: “Maalin walba, waxbaan ka bartaa ciyaartoyda gaar ahaan Alexis oo aanu isku boos ka ciyaarno, wixii uu sameeyey dhamaadkii ciyaartaasina waxa uu ahaa cajiib.
“Dabcan waan ku faraxsanaa inaan kusoo bilowday ciyaartaydii guu horreysay ee Premier League. Markii aan soo baxayna aniga waxba gacanta iiguma aanay jirin laakiin waxa aan ogaa in dhamaadka aanu guuleysan doono.”