Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa dib u heshay xiddig muhiim ah ka hor kulamada adag ee Valencia ee horyaalka LaLiga iyo RB Leipzig ee lugta labaad ee wareegga 16ka Champions League.
Los Blancos oo ay ciyaartooyo badan oo laf-dhabar ah dhaawacyo kaga maqnaayeen ciyaartii ay guusha 1-0 ah ka gaadhay Sevilla, ayaa waxa dib ugu soo laabtay khadka dhexe ee reer England ee Jude Bellingham oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Girona ee uu labada gool dhaliyey ee ay guusha 4-0 gaadheen horraantii bishan.
20 jirkan ayaa dhaawac kuraanta kasoo gaadhay waxa loo muddeeyey in uu laba illaa saddex usbuuc kaga maqnaanayo garoomada, waxaana waqtiga ay kooxdiisu sugaysay uu ahaa ka hor ciyaarta RB Leipzig ee March 6, hase yeeshee waxa uu kasoo horreyn doonaa waqtigaas.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha idaacadda COPE ee Melchor Ruiz, Jude Bellingham ayaa qayb ka noqon doona safarka ay kooxdiisa Real Madrid ku tegayso garoonka Mestalla oo ay Valencia kula soo ciyaari doonaan, kaddib markii uu dhamaystay tababarka fudud ee kooxdiisa.
Khamiista iyo Jimcaha ayaa la sheegay in Jude Bellingham uu tababarka la qaadan doono ciyaartoyda kooxda koowaad ka hor inta aanay Sabtida u duulin Valencia oo ay habeennimada kula soo ciyaari doonaan.
Carlo Ancelotti ayaa go’aan ka gaadhi doona haddii uu ciyaarsiinayo Jude Bellingham iyo inkale, waxaana uu go’aankiisu ku xidhnaan doonaa hubinta dhakhaatiirta kooxda.