Weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Barcelona, xilli la sheegayo inuu heshiis la gaadhay Real Madrid isla markaana soo afjarayo lix sannadood oo uu u ciyaarayey Paris Saint-Germain.
Kylian Mbappe oo ah ciyaartoyga loogu hadal-haynta badan yahay kubadda cagta waqtigan, ayaa waxa saaka lagu arkay garoonka diyaaradaha ee magaalada Barcelona iyadoo uu wehelinayo laacibka reer Morocco ee Achraf Hakimi.
Warbaahinta waddanka Spain ayaa sheegtay, in Kylian Mbappe iyo saaxiibkii Achraf Hakimi ay laba maalmood oo fasax ah ku qaateen magaalada Barcelona, saakana ay garoonka diyaaradaha ee lagu sawiray ka dhoofeen.
Wargeyska MD ayaa sheegay, in Mbappe iyo Hakimi ay tageen makhaayadda Restaurent Botafumeiro halkaas oo toddobaadyadii u dambeeyey lagu arkayay agaasimaha ciyaaraha Barcelona ee Deco. Sidoo kale, wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay in labadan ciyaartoy ay magaalada kusoo wareegeen oo labadii habeen ee ay joogeen ay goobo caan ah tageen.
Saaka markii ay tageen garoonka diyaaradaha Barcelona, ayuu Lionel Messi saxeexyo u sameeyey carruur dariiqa taagnayd, waxaase uu iska diiday inuu la hadlo saxaafadda oo makarafoonka la hoos carartay.
waxaad ka hadleysay mpape xagee ka keentay messi
”Saaka markii ay tageen garoonka diyaaradaha Barcelona, ayuu Lionel Messi saxeexyo u sameeyey carruur dariiqa taagnayd, waxaase uu iska diiday inuu la hadlo saxaafadda oo makarafoonka la hoos carartay”
Woow good news