Vincent Kompany ayaa sheegay in sababtii kaadhka jaalaha loo siiyay inay aheyd in Jurgen Klopp uu ka careysiiyay garsooraha kulankii Liverpool ay 3-1 kaga badisay Burnley.
Garsoore Tim Robinson ayaa kaadhka digniinta ah siiyay Klopp ka dib markii uu wound up the referee. Tim Robinson issued Klopp with caution after becoming increasingly frustrated in the technical area.
Labada kooxood ayaa qeybtii hore ku kala maray barbaro markii Dara O’Shea uu kansalay goolkii Diogo Jota. Luis Diaz iyo Darwin Nunez ayaase shabaqa u soo taabtay Reds qeybtii labaad iyagoo ku soo laabtay hogaanka Premier League.
Kompany ayaa sheegay in garsooraha uu baahi weyn u qabay inuu isaga jaale siiyo si uu u simo isaga iyo Klopp. Waa markii seddexaad oo Kompany uu jaale qaato xilli ciyaareedkan taasoo la micno ah inuu ka ganaaxan yahay kulanka ay Burnley martigelin doonto Arsenal Sabtida soo socota.
“Qaabka ay ciyaarta u socotay ayaa ugu wacneyd kaadhkeyga” ayuu yiri Kompany. “Waxaan aaminsanahay in sababtii kaadhka la ii siiyay inay aheyd in Jurgen Klopp uu jaale qaatay islamarkaana uu garsooraha aniga i raadinayay.
“Gacmaheyga ayaan kala furay taasoo aan sameeyay kulamo badan. Laakiin durbadiiba kaadh ayaa la ii siiyay. Haatan waxaan ganaaxanahay kulanka soo socda. Inaan sii ogaado ayay aheyd in garsooraha uu doonayay inuu sinaan sameeyo laakiin ma ahan wax caqligal ah laakiin horay ayaan uga soconeynaa. Kama ooyayo go’aankan”