Tababaraha kooxda kubadda cagta Aston Villa ayaa rumaysan in Manchester United ay tahay koox xooggan, isku kalsoon oo aad u wanaagsan, waxaana uu arrintan sheegay ka hor kulanka adag ee kooxdiisu ay Axadda ku martigelinayso Red Devils.
Aston Villa ayaa u dagaallami doontaa inay kusoo laabato jidka guusha, kaddib khasaarihii weynaa ee ay kala soo kulmeen Chelsea oo ka reebtay tartanka FA Cup.
Unai Emery oo la hadlay warbaahinta ka hor ciyaarta Manchester United ee Axadda ayaa yidhi: “Ciyaar kasta waa mid khaas ah, waxaana jira waqtiyo fure ah oo kusoo maraya. Ciyaartii hore waa halkeeda, kulanka aanu hadda ciyaari doonnaana waa mid muhiim ah.
“Waxa aanu u baahanahay in aanu ka faa’iidaysano oo aanu u ciyaarno sidii aanu lix dhibcood helayno, waanu ka horreynaa iyaga laakiin iyaguna waxay u tartamayaan inay ka mid noqdaan shanta sare, xataa haddii aanu guul-darraysano waanu dagaallamaynaa, laakiin iyagu waxay dareemayaan inay hadda xooggan yihiin, iskuna kalsoon yihiin oo ay fiican yihiin.”
Mar la weydiiyey ciyaartoyda Manchester United ee ay khatarta kala kulmi karayaan, waxa uu Unai Emery yidhi: “Casemiro ayaa muhiim u ah iyaga. Rasmus Hojlund ayaa goolal dhalinaya, iskuna kalsoon. Alenadro arnacho ayaa ku jira waqti fiican iyo Bruno Fernandes oo ah ciyaartoy aad u tartama.”