Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa war togan ka bixiyey dhaawaca xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah waxaana uu xaqiijiyey in uu dib ugu soo laabanayo garoomada usbuuca soo socda.
Mohamed Salah ayaa u jiifa dhaawac badhtamaha bishii January soo gaadhay isaga oo xulkiisa Masar u ciyaaraya tartanka qaramada Afrika, waxaana hore loo sheegay in aanu kooxdiisa u ciyaari doonin illaa dhamaadka bishan February, iyadoo shaki weyn la gelinayey taam ahaanshihiisa finalka Carabao Cup ee Chelsea ay la ballansan yihiin.
31 jirkan ayaase muujinaya inuu si degdeg ah uga soo kabanayo dhaawaca markii usbuuc ka hor lagu arkay garoonka tababarka, waxaana Jurgen Klopp oo maanta la hadlayay saxaafadda ka hor kulanka Sabtida ee Burnley ayaa shaaciyey waqtiga uu soo noqon doono xiddigani.
Klopp oo la weydiiyey taam ahaanshaha Mohamed Salah ayaa ku jawaabay: “Waxa aan rajaynayaa in uu qayb ka noqon dooino tababarka usbuuca dambe, markaas ayaynu arki doonaa. Laakiin xaaladdiisu way taban tahay, waxa uu soo laaban doonaa usbuuca dambe toddobaadka kusii xiga. Haddii aad isaga weydiisaanna wuxuu idin odhanayaa toddobaadka dambe.”
Liverpool ayaa maalinta Sabtida ee February 17 waxay safar ku tegi doontaa garoonka Grech Community Stadium oo ay ku waajihi doonaan Brentford, waana waqtiga la filayo inuu Salah kusoo laabto kooxdiisa, taas oo haddii ay rumowdo farxad u noqon doointa Liverpool oo February 25 la ciyaari doona Chelsea Finalka Carabao Cup.
Haddii uu dib uga dhaco ciyaarta Brentford, waxa ay Liverpool kalsooni buuxda ku qabtaa inuu ka mid noqon doono safarka ay Arbacada 21 February ugu tegi doonaan Luton Town, waana afar maalmood ka hor finalka Carabao Cup.
Mohamed Salah ayay ugu dambaysay inuu u ciyaaro Liverpool ciyaartii ay Newcastle United 4-2 ku karbaasheen laba maalmood kaddib curashada sannadka 2024, waxaana uu ka maqnaaday toddobadii ciyaarood ee xigay oo shan ka mid ah ay Liverpool guuleysatay, mid barbarro ah iyo hal guul-darro ahna u raaceen.