Xulka qaranka Nigeria ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee iska xaadiriya finalka tartanka qaramada Afrika ee sannadkan, kaddib markii ay rikoodheyaal kaga takhaluseen South Africa oo illowday bandhiggii layaabka lahaa ee rikoodhaha ahaa ee ay kaga soo tallaabsadeen Cape Verde.
Ciyaart 90kii daqiiqadood ay ku dhamaadeen barbarro 1-1 ah ayaa waxa la isla tegay rikoodheyaal ay Nigeria 4-2 ku badisay oo ay sidaas ugu gudubtay finalka.
Xulka qaranka South Africa oo inta badan ciyaarta maamulayey, isla markaana kubbado aan joogsi lahayn ku ekaynayey goolka Nigeria ayaa ka faa’iidaysan waayey fursadihii uu helay, halka Nigeria ay kaga fiicnayd dhamaystirka kubbadaha.
45kii daqiiqadood ee qaybta hore ayay labada xul ku heshiiyeen inay goolal la’aan la kala nastaan xataa iyagoo helay fursado badan oo goolal noqon karayey, balse waxa ay gool-dhalintu furantay daqiiqaddii 65aad oo Nigeria uu hoggaanka u dhiibay William Troost-Ekong oo rikoodhe dhaliyey.
Victor Osimhem ayaa hoggaanka usii dheereeyey Nigeria oo gool labaad u dhaliyey daqiiqaddii 85aad, laakiin VAR ayaa meesha ka saartay oo diidday goolkaas.
South Africa ayaa ciyaarta ka dhigtay barbarro 1-1 ah daqiiqaddii 90aad markaas oo loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Mokoena.
Rikoodheyaal loo dhigayay ayaa waxa afar ka mid ah dhaliyey Nigeria iyadoo midkii ugu dambeeyeyna uu saxeexay Iheanacho, halka South Africa laba ciyaartoy oo ka mid ah laga qabtay rikoodheyaasha, isla markaana goolhayahoodii wacdaraha dhigay kulankii Cape Verde ee saddexda ciyaartoy kubadda ka qabtay awoodi waayey inuu xataa hal kubbad badbaadiyo, iyadoo ciyaartoyga Nigeria ka khasaariyey rikoodhuhu uu kubadda goolka dul-mariyey.