Kooxda kubadda cagta Manchester United waxay xidhiidh la samaysay xidhiidhka kubadda cagta Cameroon oo ay isla qaateen in loo ogolaado goolhaye Andre Onana inuu lasii joogo illaa toddobaadkan horraantiisii, halka ciyaartoyda kale ee xulka qaranka dalkaas ay bilowgii bishan iska xaadiriyeen garoonka tababarka xulka qaranka Cameroon.
Tartanka Qaramada Afrika oo bilaabmaya January 13 oo ah berri, waxa xulka Cameroon uu kulankiisa koowaad dheeli doonaa January 13 oo ay ballansan yihiin Guinea, waxaanay waddanka Ivory Coast joogi doonaan illaa February 11 oo uu tartanku socon doono, waase haddii ay usoo baxaan ciyaarta ugu dambaysa ee February.
Goolhaye Andre Onana ayaa u safraya waddanka Ivory Coast oo uu kula midoobayo ciyaartoyda xulkiisa kaddib markii uu seegay tababarka, waxaana hadda la isweydiinayaa tirada kulamada uu ka maqnaan doono Manchester United.
Andre Onana ayaa waxa uu safarka geli doonaa kaddib ciyaarta Tottenham ee January 14, si maalinta xigtana uu xulka qarankiisa ugu ciyaaro, waxaase uu 27 jirkani ka maqnaan doonaa kulamo badan oo tababare Erik ten Hag uu ku qasbanaan doono inuu kala doorto laba goolhaye oo midkoodna aanu wax fursad ah siinin xilli-ciyaareedkan.
Ciyaarta koowaad ee uu ka maqnaan doono waa Wolves oo ay February 1 la ciyaari doonaan, sidoo kalena kulamada West Ham iyo Aston Villa ee kusii xiga ayaa uu seegi doonaa.
Waa kuwan kulamada Premier League ee uu ka maqnaan doono Andre Onana
- Wolves vs Man United – February 1
- Man United vs West Ham – February 4
- Aston Villa vs Man United – February 11
Jadwalka kulamada wareegga group-yada Cameroon
- Cameroon v Guinea – January 15
- Senegal v Cameroon – January 19
- Gambia v Cameroon – January 23