Halyeeygii hore ee Arsenal, Paul Merson, ayaa saadaal weyn ka bixiyay kulanka Axadda ee ay Arsenal garoonka Emirates ku soo dhoweyn doonto Manchester City, isagoo sheegay in kooxuhu aysan hadda ka baqin City.
Arsenal ayaa haatan lix dhibcood ka sarreysa Brighton iyo Man City. Merson ayaa Sky Sports u sheegay in Man City ay lumisay cabsidii laga qabay tan iyo markii uu Enzo Maresca beddelay Pep Guardiola.
“Hadda Man City way furan tahay, kooxuhuna kama baqaan. Haddii aad geesi tahay waad ka badin kartaa. Sidoo kale uma malaynayo in Erling Haaland uu helo baasaska uu u qalmo,” ayuu yiri Merson.
Isagoo ka hadlayay dacwooyinka ku furan City, wuxuu ciyaartoyda kula taliyay inay diiradda saaraan ciyaarta: “Cidna ma oga waxa dhici doona berri, marka waa inaad maanta noolaataa.”
Mar uu ka hadlayay kulanka Axadda, Merson wuxuu yiri: “Haddii Arsenal ay badiso kulankan, horyaalku wuu dhammaaday. Waxay hoggaanka ku qaban doonaan sagaal dhibcood, horyaalkuna si degdeg ah ayuu u soo xirmi karaa.”
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk