Madaxweynaha kooxda Barcelona, Joan Laporta, ayaa ku jeesjeesay Real Madrid maadaama aysan wax koob ah ku guulaysan labadii sano ee u dambaysay.
Real Madrid wax koob ah ma qaadin laba xilli-ciyaareed oo xiriir ah. Taasi waxay keentay inay kooxda ka tagaan tababarayaal ay ka mid yihiin Carlo Ancelotti, Xabi Alonso, iyo Alvaro Arbeloa.
“Real Madrid laba sano waxba ma qaadin. Waxaa u sii dheer inay ka fikirayaan inay iibiyaan qeyb ka mid ah kooxda,” ayuu yiri Laporta. “Waxa ay tahay inay sameeyaan waa inay sharraxaad bixiyaan oo ay caddeeyaan mashruucooda, sida aan Barcelona ka samayno, halkii ay waqtigooda ku lumin lahaayeen inay annaga naga hadlaan.”
Dhanka kale, Barcelona waxay ku guulaysatay labadii horyaal ee La Liga ee u dambeeyay iyadoo uu tababare u yahay Hansi Flick.