Real Madrid waxay gaartay guusheedii 10-aad oo xiriir ah xilli-ciyaareedkan ka dib markii ay xalay Champions League 5-1 kaga badisay kooxda PSV. Kooxda tababare Jose Mourinho waxay badisay dhammaan shantii kulan ee ay ciyaartay tartankan, waxayna hoggaanka ku haysaa 15 dhibcood.
Halyeeygii hore ee Faransiiska, Thierry Henry, ayaa ammaanay qaab-ciyaareedka Real Madrid. Wuxuu sheegay inay si dhab ah ugu tartami karaan hanashada Champions League. “Real Madrid ciyaar fiican ayay dheeshay. Haddii ay sidan u ciyaaraan, waxaa looga baqayaa Champions League. Toddobaad walba aad ayay u horumarayaan. Wax baa ka socda Real Madrid, iska ilaaliya,” ayuu yiri Henry.
Henry wuxuu sidoo kale si gaar ah u ammaanay Vinicius Junior iyo Jude Bellingham oo wacdaro dhigay kulankii kooxda reer Holland. “Dhowr bilood ka hor dadku way dhaleecaynayeen Vinicius, haddana eega sida uu u ciyaarayo. Ciyaar fiican ayuu dheelay, xitaa qaabka uu u dabaaldegay,” ayuu yiri.
Dhanka Bellingham, Henry wuxuu yiri: “Bellingham waa cajiib. Inaad Real Madrid u xirato lambarka 5-aad ma aha wax fudud, laakiin isagu wuxuu ka dhigaa wax aad u sahlan. Ma rumaysan karo in dadka dalkiisa qaar ay shaki geliyeen. Laakiin jawaab ayuu ka bixiyay Koobkii Adduunka, haddana wuu ka bixinayaa. Mar walba ciyaartiisa iyo dabeecaddiisa ayuu ku jawaabaa”.