Ayden Heaven Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Manchester United

Daafaca kooxda Manchester United, Ayden Heaven, ayaa diyaar u ah inuu bisha Janaayo amaah uga tago kooxda, ka dib markii uu ka walaacay daqiiqadaha kooban ee uu ka helayo tababaraha cusub ee Mauricio Pochettino, sida ay warinayso BBC.

Xiddigan 20-jirka ah ayaa keydka la dhigay guuldarradii 4-0 ahayd ee Axaddii ka soo gaartay Liverpool. Xilli-ciyaareedkan wuxuu ciyaaray lix kulan oo keliya (470 daqiiqo), wuxuuna ka cabsi qabaa in fursad la’aanta iyo xaaladda adag ee kooxdu ay saameeyaan horumarkiisa. Maadaama United ay ku jirto kaalinta 19-aad ee horyaalka, Heaven wuu fahamsan yahay in Pochettino uu doorbidi karo ciyaartoyda khibradda leh si kooxdu uga badbaaddo u laabashada heerka hoose.

Heaven, oo bishii Febraayo 2025 United kaga soo biiray Arsenal, ayaa 21 bilood gudahood la shaqeeyay saddex tababare (Ruben Amorim, Michael Carrick, iyo Pochettino). Wuxuu doorbidayaa inuu amaah ku baxo, inkastoo uu ka fiirsan doono dalabyada joogtada ah, iyadoo kooxaha Fulham iyo Barcelona ay ka mid yihiin kuwa xiisaynaya.

Daafacan, oo sidoo kale ka ciyaari kara daafaca bidix iyo khadka dhexe, ayaa qandaraaskiisa Old Trafford uu gaarsiisan yahay sanadka 2029, iyadoo kooxdu ay haysato ikhtiyaar ay hal sano ugu kordhin karto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular