Tababaraha kooxda Barcelona, Hansi Flick, ayaa ka hadlay ciyaaryahanka tuuri doona rigooreyaasha kooxda, ka dib markii Lamine Yamal uu Axaddii rigoore ka khasaariyay kooxda kulankii La Liga ee ay la ciyaareen Villarreal. Ka hor kulanka Champions League ee Arbacada ay la leeyihiin kooxda Sabah, waxaa soo baxay su’aalo ku saabsan in Raphinha ama ciyaaryahan kale uu si joogto ah ula wareegi doono tuurista rigooreyaasha.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee magaalada Baku, Flick ayaa yareeyay hadal-haynta arrintaas, wuxuuna sheegay inuusan weli la hadlin ciyaartoyda rigooreyaasha tuurta maadaama Yamal uu ku haray Spain si uu uga nasto dhaawac yar oo canqowga ah.
“Ma aanan la hadlin (Lamine iyo Raphinha) sababtoo ah Lamine wuxuu ku haray Barcelona. Sidoo kale, tani ma aha rigoorihii ugu horreeyay ee la khasaariyo taariikhda kubbadda cagta,” ayuu yiri Flick. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Raphinha uu wixii hadda ka dambeeya noqdo ciyaaryahanka koowaad ee Barcelona u qaadan doona rigooreyaasha.