Wariyaha reer Britain ee Piers Morgan ayaa si kulul u weeraray xiddiga kooxda Chelsea, Cole Palmer, ka dib markii uu garoonka ka baxay isagoon u sacab-tumin taageerayaasha kooxdiisa guuldarradii 4-1 ahayd ee Sabtidii ka soo gaartay Leeds United.
Morgan ayaa su’aal geliyay xirfadda iyo hab-dhaqanka Palmer ee gudaha iyo dibadda garoonkaba. Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa Football Uncensored, wariyahan 61-jirka ah ayaa ereyo adag ku dhaleeceeyay xiddiga reer England, isagoo sheegay in hab-dhaqankiisu uu xun yahay kadib markii uu diiday inuu taageerayaasha u tago. Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu si aan habbooneyn ula dhaqmo taageerayaasha marka la joogo goobaha ay isugu timaaddo bulshada.
Go’aankii Palmer uu ugu sacab-tumi waayay taageerayaasha dhammaadkii ciyaarta, ayaa noqday mawduuc hadal-hayn weyn dhaliyay.