Liverpool Oo Go’aan Ka Gaartay Saxiixa Weeraryahanka Kooxda Monza, Gustavo Varela.

Liverpool ayaa go’aansatay inaysan bisha Janaayo u dhaqaaqin weeraryahanka kooxda Monza ee Gustavo Varela, balse waxay sii wadi doontaa la socodka qaab-ciyaareedkiisa si ay mustaqbalka ula soo wareegto.

Xiddigan 21-jirka ah ee reer Portugal, oo bishii Luulyo €2.5 milyan ugaga soo biiray kooxda labaad ee Benfica, ayaa xilli-ciyaareedkan dhaliyay 13 gool 12 kulan oo uu ciyaaray, oo ay ku jiraan 11 gool oo horyaalka Serie A ah. Qaab-ciyaareedkiisa wacan ayaa qiimihiisa gaarsiiyay €40 milyan, iyadoo Arsenal iyo Tottenham ay iyaguna xiisaynayaan.

Sida ay warinayso Football Insider, Liverpool uma baahna weeraryahan degdeg ah maadaama Alexander Isak uu goolal dhalinayo, Hugo Ekitike uu dhaawaca ka soo kabanayo bisha Janaayo, sidoo kalena ay haystaan Lewis Koumas iyo Jayden Danns.

Taas beddelkeeda, kooxda tababare Andoni Iraola waxay mudnaanta siinaysaa daafaca bidix iyo khadka dhexe. Liverpool waxay Manchester United kula tartamaysaa daafacyada bidix ee Alejandro Balde (Barcelona) iyo Daniel Svensson (Borussia Dortmund), halka khadka dhexe ay doonayso iney ku xoojiso Alex Scott ama Lamine Camara, iyo sidoo kale da’yarka 17-jirka ah ee Ajax, Abdellah Ouazane, si uu beddel ugu noqdo Florian Wirtz.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular