Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool, Dominik Szoboszlai, ayaa u sheegay kooxdiisa inay u baahan yihiin inay si ka fiican ugu ciyaaraan garoonka Anfield, inkastoo ay 4-0 kaga badiyeen Manchester United.
Szoboszlai wuxuu qirtay inay dhalin kareen goolal intaas ka badan, balse ay lumiyeen fursado ay ciyaarta goor hore ku go’aamin kareen. “Waxay ahayd 4-0, laakiin way ka sii badan kartay. Taas ayaana yara xun, waayo waxay ahayd inaan ciyaarta dilno oo aan goolal badan dhalinno goor hore,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale qiray in ciyaaraha garoonkooda aysan joogto ahayn marka la barbardhigo kulamada ay martida yihiin. Kabtanka xulka Hungary, oo xilli-ciyaareedkii hore ahaa xiddigii ugu fiicnaa Liverpool, ayaa hadda doonaya inuu ku soo laabto heerkisii ugu fiicnaa xilli uu si buuxda u soo kabanayo.