Super Computer-ka Opta Oo Saadaaliyay 5-ta Koox Ee Ugu Cadcad Ku Guuleysiga Tartanka Champions League Xilli Ciyaareed Kaan

Super Kombiyuutarka Opta (SuperComputer) ayaa shaaciyay shanta kooxood ee ugu cadcad ku guulaysiga tartanka Champions League xilli-ciyaareedkan. Kooxda Arsenal ayaa hoggaaminaysa liiska iyadoo la siiyay 19.73% fursad ah inay taariikhdeeda markii ugu horreysay ku guulaysato koobkan, waxayna haatan 10 dhibcood ugu jirtaa kaalinta saddexaad ka dib afar kulan.

Bayern Munich ayaa kaalinta labaad ku jirta iyadoo leh 17.43%, inkastoo kooxda haysata horyaalka Jarmalka ay si lama filaan ah haatan ugu jirto kaalinta 13-aad ee kala sarreynta. Paris Saint-Germain, oo raadinaysa koobkeedii saddexaad oo xiriir ah isla markaana 12 dhibcood ku hoggaaminaysa marxaladda horyaalka, ayaa la siiyay 12.82%.

Shanta kooxood ee ugu sarreysa waxaa dhammaystiraya Barcelona oo leh 11.44% iyo Real Madrid oo la siiyay 9.46%.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular