Gary Neville Oo Saadaaliyay Kooxda Sida Fudud Ugu Guulaysan Doonta Horyaalka Premier League Xilli-Ciyaareedkan.

Daafacii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay ku guulaysan doonto horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.

Sida uu qabo Neville, kooxda Gunners si cad ayay uga dhex muuqataa marka la barbardhigo shanta kooxood ee kale ee waaweyn ee horyaalka. Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa lix dhibcood oo nadiif ah ku hoggaaminaysa kala sarreynta ka dib barbarrihii 2-2 ahaa ee ay dhammaadkii toddobaadka la galeen Newcastle United.

Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa Sky Sports, Neville wuxuu yiri: “Marka loo eego lixda kooxood ee ugu sarreysa Premier League xilligan, Arsenal si cad ayay uga dhex muuqataa, waxayna horyaalka ugu guulaysan doontaa si fudud. Laakiin shanta kooxood ee kale ee waaweyn (Manchester City, Liverpool, Chelsea, Tottenham, iyo Manchester United) runtii aad bay u dhibtoonayaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular