Halyeeygii hore ee Manchester United, Gary Neville, ayaa si adag u dhaleeceeyay daafacyada Matthijs de Ligt iyo Leny Yoro ka dib markii United lagu soo reebay 10 ciyaaryahan kulankii Premier League ee ay la ciyaareen Liverpool.
Yoro ayaa daqiiqaddii siddeedaad ee ciyaartii ka dhacday Anfield loo taagay kaar cas oo toos ah, ka dib markii uu meel ka baxsan diilinta ganaaxa qalad ugu galay Alexander Isak oo u socday fursad gool oo cad. Xaaladdaas waxaa sababay qalad weyn oo uu sameeyay De Ligt, kaas oo uu tababare Mauricio Pochettino ku soo celiyay shaxda koowaad kulankiisii ugu horreeyay, balse u oggolaaday kubbad sare in ay madaxiisa dhaafto.
Dominik Szoboszlai ayaa laadkii xorta ahaa ee ka dhashay qaladkaas gool u beddelay, ka hor inta uusan Florian Wirtz hoggaanka Liverpool ka dhigin 2-0 daqiiqaddii 13-aad.
Isagoo la hadlayay Sky Sports, Neville ayaa yiri: “Markii aan magaca Matthijs de Ligt ku arkay liiska ciyaartoyda, run ahaantii aad baan u yaabay. Sababta aan u yaabayna waa tan. Haddii aad daawatay kulankii Como afar toddobaad ka hor, aad buu uga fogaa qaabkiisii. Kubbaddii dhibaatada sababtay, waxay ahayd mid laga hor tagi karay”
Neville wuxuu intaas ku daray: “De Ligt aad buu uga fogaa kubbadda, Yoro-na waxay ahayd inuu u soo dhawaado oo uu daboolo saaxiibkiis, balse ma uusan samayn. Falcelintiisu way daahday, saadaashiisuna way liidataa. Waa qalad aad u xun oo uu sameeyay Yoro, wuxuuna sameeyaa qaladaad badan oo noocan ah.”
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Isak uu xoogaa is-dhigay si uu Yoro dhabarka uga dhaco, balse taasi ay tahay khibrad-la’aan ka timaadda daafac da’ yar, isagoo xusay in kaarka cas uu lagama maarmaan ahaa. Neville wuxuu sheegay in De Ligt uu garoommada ka maqnaa muddo sanad ah ayna adag tahay inuu si degdeg ah ugu soo laabto kulan noocan ah, wuxuuna xusay in tababarihii hore Michael Carrick uu gurigiisa ka daawanayo isagoo is leh “waa waxaan la tacaalayay laba toddobaad ka hor.”
Dhanka kale, Jamie Carragher oo isna falanqaynayay ciyaarta ayaa yiri: “Waa waxa ugu xun ee ay sameeyaan laba daafac dhexe. Kubbadda uu Jacquet soo tuuray xitaa baas ma ahayn, waxay ahayd iska-saarid. Waa wax laga naxo.”
Ka dib markii Liverpool ay dhalisay goolkii laadka xorta, Neville ayaa ku soo gabagabeeyay hadalkiisa: “Run ahaantii De Ligt waxaan u hayaa xoogaa naxariis ah maadaama uu maqnaa 12 bilood, laakiin in labadoodaba kubbaddaas dhaafto waa wax aan la rumaysan karin. Inta ay Manchester United haysato daafacyo noocan ah, ma jirto wax fursad ah oo ay shabaqooda ku ilaashan karaan.”