Barcelona Oo Guul Soo Laabasho Ah Ka Gaartay Villarreal

Kooxda Barcelona ayaa sameysay soo laabasho cajiib ah qaybtii labaad, iyadoo 3-2 kaga badisay Villarreal, taas oo u sahashay inay sii dheereysato hoggaanka horyaalka La Liga.

Villarreal ayaa taageerayaasha martida loo ahaa kaga naxsatay laba gool toddobadii daqiiqo ee ugu horreeyay. Tajon Buchanan ayaa daqiiqaddii shanaad ku ciqaabay Barca baas khaldan oo uu bixiyay Fermín López, ka hor inta uusan Tani Oluwaseyi hoggaanka labanlaabin ka dib weerar rogaal celis ah oo uu soo dhisay Alberto Moleiro.

Niyad-jabkii qaybtii hore ee Barcelona ayaa sii kordhay daqiiqaddii 23-aad markii Lamine Yamal uu birta midig ku dhuftay rigoore ay VAR xaqiijisay ka dib qalad uu ku galay Oluwaseyi.

Kooxda tababare Hansi Flick ayaa si xooggan ku soo laabatay nasashada ka dib. Daqiiqaddii 57-aad, daafaca dhexe ee Gerard Martín ayaa dhaliyay goolka koowaad ka dib caawin uu ka helay Pedri oo ka timid koorne degdeg ah oo muran dhaliyay.

Afar daqiiqo ka dib, daqiiqaddii 61-aad, Fermín López ayaa ciyaarta barbareeyay ka dib baas uu ka helay Lamine Yamal, halka daafaca Villarreal, Pau Navarro, uu daqiiqaddii 67-aad gool iska dhaliyay.

Barcelona ayaa 10 daqiiqo gudahood labo gool oo loogala hormaray ku beddeshay 3-2, taas oo u suurtagelisay inay ilaashato hoggaankeeda, iyadoo gaartay guusheedii 12-aad 13 kulan oo horyaalka ah, waxayna haatan leedahay 36 dhibcood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular