Tababaraha kooxda Manchester United, Mauricio Pochettino, ayaa durba bilaabay inuu calaamadeeysto ciyaartoyda uu u baahan yahay si uu dib ugu dhiso safka kooxda.
Sida ay qortay shabakadda Goal, Pochettino wuxuu doonayaa inuu garoonka Old Trafford kula midoobo kubbad-sameeyaha Chelsea, Cole Palmer. Tababarahan 55-jirka ah ayaa qorsheynaya in Palmer uu beddelo kabtanka United, Bruno Fernandes.
Fernandes ayaa haatan ku jira xaalad cakiran oo dhanka qandaraaska ah, waxaana suurtagal ah inuu kooxda ka tago xagaaga soo socda. Inkastoo Pochettino uu la fariisan doono xiddiga reer Portugal si ay uga wada hadlaan mustaqbalkiisa, waxaa la rumaysan yahay inuu diyaar u yahay inuu ka gudbo Fernandes.
Sidoo kale, Pochettino wuxuu doonayaa inuu la soo wareego daafac dhexe oo cusub, iyadoo xiddiga Fulham, Calvin Bassey, la aaminsan yahay inuu yahay bartilmaameedkiisa koowaad.