Bruno Fernandes Oo Fariin Adag U Diray Maamulka Man United Ka Dib Markii Uu Diiday Laba Heshiis Oo Cusub.

Kabtanka kooxda Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay u soo bandhigtay qandaraas cusub, balse uu hakiyay wada-hadallada ilaa kooxdu ay dib ugu soo laabato waddada guusha.

Isagoo la hadlayay Sky Sports, xiddigan 32-jirka ah ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu dalbanayo mushahar kordhin ama heshiis dheer, wuxuuna ku adkaystay in mudnaantiisu tahay inuu koobab kula guulaysto kooxda garoonka Old Trafford.

“Uma malaynayo inay tahay waqtigii ku habboonaa, aniga iyo kooxdaba, in laga hadlo heshiis kordhin, sababtoo ah waxa ugu muhiimsan haatan waa in kooxdu dib ugu soo laabato wadada guulaha,” ayuu yiri Fernandes.

Wargeyska Sky Sports ayaa fahamsan in Fernandes uu diiday laba dalab oo qandaraas cusub ah, iyadoo heshiiskiisa hadda uu dhacayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan, inkastoo United ay haysato qodob ay hal sano ugu kordhin karto.

Xiddigan reer Portugal ayaa heshiiskiisii u dambeeyay saxiixay bishii Ogosto 2024, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inuu kooxda ka tagi doono haddii ay maamulku go’aansadaan inay tahay waqtigii la kala tagi lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular