Arsenal Oo Wadahadallo Qarsoodi Ah La Furtay Weeraryahan Weyn Oo Ay In-badan Raadineysay

Kooxda Arsenal ayaa wadahadallo cusub la yeelatay weeraryahanka reer Argentina ee Julián Álvarez, iyadoo ay suuragal tahay inay dalab rasmi ah ka gudbiso inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee Janaayo.

Sida uu warinayo wargeyska El Nacional, maamulka Gunners ayaa xiriir la sameeyay wakiillada xiddiga Atlético Madrid, si ay u sahamiyaan suuragalnimada uu ugu soo dhaqaaqi karo Emirates Stadium.

Macallinka Arsenal, Mikel Arteta, ayaa Álvarez u arka beddel kale oo muhiim ah oo uu u adeegsan karo weeraryahanka Viktor Gyökeres, kaasoo haatan ka mid ah xulashooyinka weerarka ee kooxda.

Arteta ayaa doonaya inuu helo weeraryahan leh tayo, dhaq-dhaqaaq iyo awood uu goolal ku dhalin karo, si uu u xoojiyo fursadaha kooxdiisa ee tartamada kala duwan.

Álvarez ayaa Atlético Madrid kaga mid ah ciyaartoyda muhiimka ah, waxaana la filayaa in heshiis lala gaaro kooxdiisa uusan noqon doonin mid sahlan.

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa weli qiimeynaysa suurtagalnimada heshiiska, iyadoo suuqa Janaayo uu noqon karo fursadda ay isugu dayeyso inay la soo wareegto weeraryahanka reer Argentina.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular