Sababta Dhabta Ah Ee Uu Nico Paz U Diiday Ku Laabashada Real Madrid Oo La Ogaaday

Wariye Selene Melián oo ka tirsan Radio MARCA Tenerife ayaa sheegtay in Nico Paz uu isagu go’aansaday inuu xilli ciyaareedkan sii joogo Como, halkii uu dib ugu laaban lahaa Real Madrid.

Melián ayaa barnaamijka La Tribu ka sheegtay in khadka dhexe ee reer Argentina uu doorbiday inuu horumar sameeyo isagoo ka hoos ciyaaraya tababare Cesc Fàbregas, isla markaana uu Como ka heli karo fursad joogto ah oo uu ku ciyaaro.

Waxay sheegtay inay xogtan ku heshay xiriirka dhow ee ay la leedahay qoyska ciyaaryahanka, gaar ahaan aabbihiis Pablo Paz oo hore ugu soo ciyaaray xulka Argentina iyo Tenerife.

Saxafiyadda waxay ku doodday in tartanka adag ee khadka dhexe ee Real Madrid uu Nico ku adkayn lahaa inuu helo boos joogto ah.

Waxay sidoo kale ka hadashay sababta uu Argentina uga doortay Spain, iyadoo sheegtay in xiriirka kubadda cagta Spain uusan waligiis wiilka la soo xiriirin. Sidaas darteed, ma jirin doorasho rasmi ah oo ku qasabtay inuu labada dal kala doorto.

Melián ayaa intaas ku dartay in Nico uu ku faraxsanaa fursadda uu garoon ula galayo Lionel Messi, isla markaana uu ku faraxsanaa inuu ketelo dalkii uu aabbihii u ciyaaray.

Waxay sheegtay in Nico uu mustaqbalka doonayo inuu Real Madrid u ciyaaro, balse joogitaanka Como uu hadda siinayo fursad uu si joogto ah ugu ciyaaro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular