Daafaca kooxda Real Madrid, Antonio Rudiger, ayaa sheegay in natiijooyinkii kooxdu ka keentay kulamada waaweyn ay sabab u ahaayeen in shaqada laga cayriyo tababare Xabi Alonso.
Alonso ayaa ka tagay kooxda Bayer Leverkusen si uu ugu biiro naadiga horyaalka LaLiga bishii Maajo 2025, balse 44 jirkan ayaa bilo kooban oo kaliya ku sugnaa garoonka Santiago Bernabéu.
Macallinkan reer Spain ayaa shaqada laga cayriyay bishii Janaayo 2026 ka dib natiijooyin liita oo isxigxigay.
Rudiger, oo la hadlayay shabakadda The Athletic, ayaa xusay in qaab-ciyaareedkii Alonso uu ahaa mid dadaal badan u baahan, balse kooxdu aysan natiijo fiican ka keenin kulamada waaweyn.
“Wuxuu leeyahay fikrad kubbadeed oo aad u cad oo shaqo badan u baahan, taas oo ah wax wanaagsan,” ayuu yiri Rudiger. “Nasiib-darro, kulamada waaweyn kama aanan helin natiijooyinkii aan malaha u qalannay.”
Xabi Alonso ayaa haatan ah tababaraha kooxdii hore ee Rudiger ee Chelsea.